Faahfaahinta dagaal ka dhacay Bariga iyo Koonfurta  Laascaanood.

Laascanood (Raxanreeb )  Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascanood ayaa sheegaya  halkaas uu ka  dhacay dagaal khasaare gaystay.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay ka dib markii ,    kooxda dadka deegaanka weerar ay  ku qaadeen ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa  Bariga iyo Koonfurta Magaalada Laas-Caanood.

Goobaha iska hor imaadyada ay ka dhaceen ayaa lagu soo waramayaa inuu degan yahay Wasiirka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo maalmahaan ku sugan Gobolka Sool.

Somaliland ayaa isku dayaysa in ay la wareegto  magaalada Laascanood oo ka baxday  gacanta maamulka ,  halkaas oo si buuxda ay ula wareegeen dadka deegaanka.

Lama oga sida ay wax isku bedeli doonaan , maadama aan wali si rasmi xal looga gaarin maamulka iyo xaaladda magaalada Laascanood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.