Qoorqoor oo qalinka ku duugay sharci muhiim u ah doorashada Galmudug

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Madaxweynaha ayaa sixiixay laba sharci oo kala ah Sharciga Xibsiyada iyo Sharciga Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxuuna madaxweynaha sheegay in Galmudug ay u tallaabsatay wadada dimoqraadiyadda, lana diiwaan galin doono xisbiyada.

Arintan ayaa timid ka dib ka dib markii Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay munaadabadda xiritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay u tallaabsatay wadada dimoqraadiyadda, lana diiwaan galin doono xisbiyada.

DHANKA KALE :

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ugu baaqay Xildhibaannada Galmudug inay waqti kasta ku bixiyaan sidii degaannada ay Galmudug ka joogaan Al-Shabaab looga saari lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.