Nin kalluumeysato ahaa oo meydkiisa laga dhex helay yaxaas liqay

Meydka nin Australian ah oo la waayay xilli uu la kalluumaysanayay saaxiibadiis ayaa laga helay gudaha Yaxaas.

Kevin Darmody ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay halka loo yaqaan Kennedy’s Bend oo ah deegaan caan ah oo ay ku nool yihiin yaxaasyada.

Kaddib labo maalmood oo ay booliisku baaritaanno ka wadeen goobtaasi, ayaa waxa ay qabteen laba Yaxaas oo waaweyn, waxaana ay mid kamida ka dhex heleen haraagii ninka maqan.

Meydka wali si rasmi ah looma aqoonsanin, balse booliisku waxa ay sheegeen in ay tahay dhammaad naxdinta leh oo daba socota ninka raadinta 65 jirka.

Mr Darmody waxa uu ahaa nin waayo arag ah oo kalluumaysato ah iyo xubin si weyn looga dhex yaqaanay bulshada Cape York.

Labada Yaxaas oo cabbirkooda lagu qiyaasay 4.1m (13.4 ft) iyo 2.8m dherer ahaan, ayaa lagu toogtay Isniintii meel 1.5 km u jirta halkii markii ugu dambeysay lagu arkay.

Haraaga ninkan ayaa laga helay gudaha mid ka mid ah yaxaasyada, hase yeeshee saraakiisha duurjoogta ayaa rumeysan in labaduba ay ku lug lahaayeen dhacdada.

Kalluumeysatadii xiligaasi la socotay Mr Darmody ayaa sheegay in aysan arkin weerarka, balse ay maqleen qeyladiisa.

Sanadkii 2017-dii, haweeney da’ ahayd oo lagu waayay magaalada Port Douglas ayaa loo maleeyay in uu dilay Yaxaas.

Sanad ka hor, qof dumar ah ayaa yaxaas waxa uu ku dilay gudaha Beerta Qaranka ee Daintree.