Galmudug oo baajinaysa in dhiig kale uu ku daado, deegaanadeeda.

Galmudug oo baajinaysa in dhiig kale uu ku daado, deegaanadeeda.

Dhuusmareeb (Raxanreeb )- Waxaa soo baxaya –baaqyo is daba joog ah oo loo dirayo dhinacyada ku dagaalamaya deegaano ka mid ah maamul goboleedka Galmudug.

Beelahan oo ka soo jala jeeda , Caabudwaaq iyo Xeraale oo dagaalkan dhaxmaraya ayaa loogu yeeray in ay isku yimaadaan miiska wada- hadalka si dhibaatadan jirta loo soo afjaro.

Madaxwaynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay qaadayaan dadaal kasta oo ay ku baajinayaan in dagaal markale uu ka dhaco deegaanada maamulka.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa Guddi ka kooban Shan Wasiir u Magacaabay in ay ka hortagaan Colaad dad badan ay ku dhinteen oo u dhaxeysa Beelo walaalo ah oo wada dega inta u dhaxeysa Degmada Caabudwaaq iyo Xeraale.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa shalay dib uga qarxay deegaanka Laandheer oo u dhexeeya magaalooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi.

Dagaal beeleedka ayaa qeyb ka ah dagaal beeleedyada ku soo noq noqday gobolka Galgaduud kuwaas oo inta badan geysta khasaare naf iyo maalba leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.