Trump oo ka hadlay inuu aqoonsanayo Somaliland

Trump oo ka hadlay inuu aqoonsanayo Somaliland

Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay jariiradda The New York Times in uusan diyaar u aheyn in uu aqoonsado SOMALILAND, kadib markii Israa’iil ay shalay ku dhawaaqday in Maamulka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya uu yahay dal ay u aqoonsadeen si buuxda.

Tallaabada Israa’|l waxaa ka horymid Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka, Midowga Afrika, Turkiga, Shiinaha & waddamo badan.

Dowladda Soomaaliya oo qudheeda aan aqoonsaneyn Israa’iil ayaa tallabadaasi ka hortimid,.

Warka kasoo baxay Trump ayaa hoos u dhigaya culeyskii aqoonsigii shalay la siiyay Somaliland & saameyntii suuragalka aheyd in uu ku yeesho amniga Gobolka Geeska, sida ay ku doodeen dowladaha & ururrada diiday aqoonsiga oo ku micneeyay mid liddi ku ah qaanuunka caalamiga ah & xeerarka diblumaasiyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.