Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur oo loo yaqaan (Sanyare )) kana mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa isaga oo ku jira gudaha hoolka Baarlamanka ayaa sheegay in aan la beensan haddii askari ka tirsan ciidamada booliska ee ku sugan xarunta Baarlamanka uu ka qaato Mobile-kiisa.
Xildhibaanka ayaa muuqaal toos ah kasoo galay bartiisa bulshada Facebook, isaga oo ka hadlaya ciidamada booliska ee ku sugan gudaha Baarlamanka, ayaa sheegay in xaalada xarunta golaha ay maanta tahay mid kacsan.
”Haaheey saaka iyo hoolka baarlamanka sidaasaa Alle u qadaray, askartii waxayba leeyihiin mobile-da idinka qaadaynaa. Ha beensanina hadaa aragtaan anoo askari mobile-ka iga qaatay saakay. Intii la yaqaanay waa ka gudubtay”
Ciidamada booliska ayaa loo geeyay hoolka baarlamanka sugidda ammaanka, iyada oo labada aqal ay maanta u balansan yihiin fadhigooda wadajirka”ayuu yiri xildhibaanka.
Waxaa ay arrintan kusoo beegmaysaa xilli uu guddoonka baarlamanka soo saaray go’aan rasmi ah oo la xiriira ka joojinta fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka qaar kamid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, kaddib qalalaasihii ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee qabsoomay 2-dii Febraayo, 2026.

Leave a Reply