Guraceel (Raxanreeb )- Magaalada Guraceel ee gobolka galgaduud ayaa maanta dadka halkaas ku nool aan u ahayn Ramadaan xili deegaano kale oo Galmudug ah lagaga dhawaqay Ramadaan.
Dad badan ayaa maanta oo Isniin ah isugu soo baxay maqaayadaha magaalada Guraceel iyaga oo muujinaya in maanta aysan ahayn Ramadaan .
Maalinta beri ah ayay sheegayaan in ay soomi doonaan oo ay u tahay maalinta kowaad ee Ramadaan.
Magaalada Guraceel ayaa dhamaan albaabada loo furay goobaha kale oo laga cunteeyo taas oo muujinaysa in maanta halkaas laga soomin .
Sidan oo kale marar badan ayaa gobolada dhexe aan laga soomin iyadoo meelo badan oo Soomaaliya ah laga soomay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku dhaawaqday in maanta ay tahay maalinta kowaad ee bisha Ramadaan .
Leave a Reply