DF oo ka war bixisay wada hadalka Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xuseen Macallin Maxamuud oo wareysi bixiyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Al-Shabaab, gaar ahaan in dowladda federaalka ay wada-hadal la galeyso kooxdaasi.

Ugu horreyn Xuseen Macallin ayaa meesha in dowladda dhexe uu codsi uga yimid dhanka Al-Shabaab, hadalkaas oo uu shalay shaaciyay Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhigga.

Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in aanu isbedalin mowqifka dowladda federaalka oo ku aadan dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo si cad u sheegay in aysan wax wada xaajood ah la geli doonin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha kasoo goosta la marin doono nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda.

“Siyaasaddeena ku aaddan wadahadal lala galo Al-Shabaab waxba isma baddelin, wax wada-xaajood ah kulama jirno Kooxda haseyeeshee Shakhsiyaadka doonaya in ay ka baxaan kooxda waxaa la marin doonnaa nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee Dowladda” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhankeeda Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay war kasoo baxay dowladda federaalka oo ay ku sheegtay in kooxda ay codsatay in lala furo wadahadal, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka dhanka ah ee dalka ka socda.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahinta kooxda u sheegay in arrintan aysan sal iyo raad toona lahayn, oo aysan jirin wax wadahal ah oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda.

“Ma aanan arkin hadalka aad sheegeyseyo, balse waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara annaga oo mujaahidiinta ah iyo dowladda,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab.

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, loogana qabsaday kooxda degaano horleh oo gacanta ku hayeen sanado badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.