Dhaawacyo badan oo laga soo dejiyay Muqdisho & halka laga keenay

Muqdisho (Raxanreeb ) Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee Sodma ayaa xalay Magaalada Muqdisho keentay 17- ruux  oo qaba dhaawacyo kala duwan kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalada culus ee ka socda Magaalada laascaanood.

dadka qaba dhawacyadaan ayaa Hey’adda Maareynta waxa ay diyaarad uga soo qaaday Magaalada garoowe,waxaana isla xalay loo gudbiyey goobaha cafimaadka si cafimaadkooda loo baxnaaniyo.

Maareeyaha xarunta qaran ee gurmadka deg deg ah ee Hey’adda maareynta Mudane Hassan Ciise ayaa la hadlay warbaahinta.

Tudabaadkaan hay’adda maareynta waxa ay magaalada laascaanood u dirtay gargaarkii ugu badnaa si loo gaarsiiyo dadka shacabka ah,waxaana aysoo qaaday dhawacyada in ka badan 20 dagaalada laascaanood ku waxyeeloobay.

hey,adda maareynta iyada oo fulineysa awaamiirta madaxda qaranka waxa ay dadaal badan galisay sidii ay gargaar u gaarsiin la heed shacabkii waxyeelada ka soo gaartay colaadaha sool

Leave a Reply

Your email address will not be published.