Washington (Raxanreeb) — Dowladda Mareykanka ayaa diiday in ay aqoonsi hesho maamulka Somaliland, kaddib heshiiskii Biixi uu la galay ra’isulwasaaraha Itoobiya, ee Abiy Axmed.
“Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ku saleysan xuduudaheeda 1960-kii,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
“Waxaan kula biireynaa saaxiibadeena inaan muujino walaaca xooggan ee aan qabno ee ku saabsan xiisadaha kasoo kacaya Geeska Afrika,” ayuu yiri.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan saamileyda inay galaan wadahadal diblomaasi,” ayaa lagu yiri mar kale.
Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha maamulka Somaliland, ayaa heshiis la galay ra’isulwasaaraha Itoobiya ee Abiy Axmed, heshiiskaasi oo ahaa dhul badeed dhan 20km, in itoobiya la siiyo.
Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku eedeysay dalka aan badda lahayn ee Itoobiya inuu weerar kusoo qaaday madax-banaanideeda kadib markii uu heshiis la galay Somaliland, kaasi oo siinaya marin ay ku gasho Badda Cas, taasoo dhibaato xooggan uga imaan karto Soomaaliya.
Itoobiya ayaa sheegtay in ay uga baddelaneyso aqoonsi in ay u aqoonsato maamulka Somaliland, dal madax banaan.
Horey Midowga Yurub ayaa taageero buuxda u muujiyay Dowladda Soomaaliya.
“1-dii January, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biihi ayaa saxiixday is-afgarad Itoobiya u damaanad qaadaya inay marin u hesho Badda,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Yurub.
“Midowga Yurub wuxuu jecel yahay inuu xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Tani waxay muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.” ayaa mar kale lagu yiri.
Mowqifka Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayaa xoojinaya awoodda Soomaaliya, sidoo kalena meesha ka saaraya inay Itoobiya Badda Soomaaliya, been been ku qaadan karin.
Si kastaba hasa yeeshee heshiiskan Muuse Biixi Cabdi, ee madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland, uu la galay Abiy Axmed ma ahan mid ku dhaqan galaya si naba sida ay sheegayaan masu’uliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.