Tehran (Raxanreeb ) laba qarax oo waa wayn oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Tehran ee dalka Iiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad badan .
Dadka dhintay oo lagu qiyaasay ku dhawaad boqol qof ayaa ku sugnaa goob ay ka socotay munaasabad baroor diiq ah oo loo samaynayay taliyihii militariga ee Qassem Soleimani, oo ay dishay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.
Gaari ayaa lagu soo buuxiyay qaraxyadan sida ay ku warameen laamaha ammaanka Iiraan , kuwaas oo sheegay in weeraradan ay ka danbeeyeen koox argagaxisa ah.
Ma jirto cid sheegtay weerarkan dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Tehraan ee dalka Iiraan waxaana dadka dhaawacmay lagu dawaynayaa isbitaalo ku yaala Tehraan.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden ayaa Washington ka sheegay in qaraxyadu ay u muuqdeen kuwo u taagan “Weerar Argagixiso” oo noociisa ay hore u fuliyeen Daacish.
Madaxwaynaha Iiraan ayaa sheegay in weeraradan ay yihiin kuwo bahalnima ah oo ay gaysteen manaxyaal waxaana uu sheegay in ay qaadi doonaan talaabooyin aargudasha ah.
Dhankiisa hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran Ayatullah Khamenei ayaa isaga codkiisa ku biiray cambaraynta loo jeedinayo kuwo ka danbeeyay ficilada noocaan ah oo lagu dilay dad aan waxba galabsan.
Leave a Reply