Muqdisho (Raxanreeb) — Golaha Aqalka Sare Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta fadhi ka leh labo qodob oo kala ah:
1-Ansixinta Xubinta guddiga Dastuurka ee OC.
2-Ka doodista iyo wax ka baddalka Xeer-hoosaadka Aqalka.
Senatarada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in ay xaadiraan fadhiga Golahaas uu maanta ku yeelanayo Xaruntiisa si loogu codeeyo xubinta Guddiga Dastuurka ee OC & in laga doodo wax ka baddelka Xeer Hoosaadka uu ku shaqeeyo.
Guddiyada joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo fadhi gaar ah ka yeesha kulamada loo gudbinayo Golaha ayaa habdhowrka u gudbiyay ajendahaan si dood iyo codeyn ay u sameeyaan Senatarada.
Guddoonka Golaha Aqalka Sare BJFS ayaa Senatada ugu baaqay in ay xaadiraan kulanka si uusan uga baaqan kooram la’aan (In tirada tagta xarunta Aqalka Sare aanay uga yaraan inta loogu talagalay in uu fadhiga ku furmo).
Leave a Reply