MD Xasan oo runta u sheegay siyaasiinta doorasho doonka ah ee KGS & kuwa kale

MD Xasan oo runta u sheegay siyaasiinta doorasho doonka ah ee KGS & kuwa kale

Muqdisho(Raxanreeb) Madaxwayne Xassan Shiikh waxaa uu maanta si cad u sheegay in fulinta heshiiskii golaha wadatashiga la meelmarinayo, isaga oo u sheegay siyaasiyiinta ka soo horjeeda heshiiskaas in aanay waqti isaga lumin wax ka badalan arrintaas.

Madaxwaynaha oo ka hadlay khudbadii salaadii Jimacaha ayaa faah faahiyay sababta uuu doortay in wadanku yeesho laba xisbi, madaxwayne kuxigeen, iyo sidoo kale in hal doorasho ka dhacdo dalka, “dalku ma qaadi karo nidaamka xisbiyada badan ayuu yiri.

Madaxwayne Xassan Shiikh waxaa uu maanta muujiyay in doorasho aan ahayn tii ay soo saareen golaha wadatashiga aan dalka lagu dhaqi karin.

Waxaa uu soo hadal qaaday siyaasiyiin doonaysa in maadaama madaxda maamul goboleedyada waqtigoodii dhamaaday doorasho la qabtay, taasina waxaa uu ku tilmaamay mid aan dan u ahayn dalka, isaga oo ka dalbaday in ay raacaan nidaamkii ay maamul goboleedyada iyo dawladu ku heshiiyeen.

Waxaa muuqata in madaxwaynuhu dhagaha ka furaystay baaqyadii uga imaanayay siyaasiyiinta ka soo horjeeda madaxwaynayaasha maamul goboleedyada gaar ahaan kuwa koonfur galbeed iuo Jubbaland.

Madaxwayne Xassan Shiikh waxaa uu intaasi raaciyay in dalka ay ka dhici doonto nidaam doorasho oo ay dadku codaynayaan,

isaga oo sheegay in gudiga doorashada ee la magacaabo uu qaban doono
uu qaban doono doorashada golayaasha deegaanka ay bilaabanayso bisha Juun ee 2024ta, halka tan madaxda maamul goboleedyaduna dhacayso 30/ka Novenber, 2024ta, doorashada madaxwaynaha ayii yiri “kama daba marayso 15 ka May, 2016ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.