MW Xasan Sheekh oo ka hadlay dilkii loo geystay Taliyihii Guutada 14-ka ee xoogga dalka

MW Xasan Sheekh oo ka hadlay dilkii loo geystay Taliyihii Guutada 14-ka ee xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dilkii loo geystay Taliyihii Guutada 14-ka October ee maanta nin ku labisnaa dareenka ciidanka dowladda uu ku toogtay deegaanka Cadow Dibile oo ku yaalla inta u dhaxeeya degmada Afgooye iyo Laafta Buure ee katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, Ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida Alle ha  u naxariistee, Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Taliye Nuur Farey uu ahaa halgamaa daacad ah oo nolol iyo nafba u huray difaaca Qaranka iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo dhammaan shuhadada Ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay wado baaritaan dhameystiran oo ku saabsan weerarkan argagixisanimo, waxa uuna adkeeyey go’aanka adag ee dowladda ee ku saabsan in la sii laba jibbaaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee cadawga ku ah nabadda iyo xasilloonida dalkeenna.

Leave a Reply

Your email address will not be published.