Sarkaal dilay Taliyahiisa oo saakay lagu toogtay Muqdisho

Sarkaal dilay Taliyahiisa oo saakay lagu toogtay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho saakay ku fulisay Xidigle Cabdi Naasir Daa’uud Sheikh Xasan oo hore u dilay Taliye Ururkiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye 29 Bishii la soo dhaafay ee September ee Sannadkan 2022.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa horay ugu eedeysay xidigle Cabdi naasir in uu ka baaqsaday safar dhinaca dhulka ah oo ay geli lahaayeen Ciidamada uu katirsanaa, balse isaga uu ku doodayay in xaquuqdiisii mushaarka uu waayay.

Dood dheer kaddib Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dhowaan xukun dil toogasho ah ku ridday, ugu dambeena saakay lagu fuliyay, iyada oo leysku dhinac aasay isaga iyo taliyihiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.