DF oo sheegtay 19 katirsan Al-Shabaab inay dileen

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidanka Dowladda ayaa la sheegay in 19 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa degaanka Basra iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kaddib dagaal ka dhacay halkaas.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macallin ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Ciidamadu ka warheleen inay Al-Shabaab isku aruursanayeen Tuulada Muryaale sidaasina lagu howlgalay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada oo helay xogta Al-Shabaab inay sameeyeen roondo xilliga uu dagaalku dhacayay, sidoo kalena ciidamadu ay wali ku raad joogaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay si joogta ah howlgallo uga sammeeynayay inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad illaa iyo Afgooye, tan iyo markii ciidamadu ay ka saareen deegaanka Basra Al-Shabaab oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada inta badan ka dhaca Caasimadda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.