MW Xasan Sheekh oo guda galay wax ka bedelka  Dastuurka KMG -WAJI KALE.

MW Xasan Sheekh oo guda  galay wax ka bedelka  Dastuurka KMG -WAJI KALE.

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh ayaa guda galay dhammaystirka Dastuurka dalka, iyada oo uu Guddiga Dastuurka la wadaagey in ay Baarlamanka horgeeyaan 14-ka bishan wax-ka-beddelka qodobadii ay hore isugu raaceen Madasha Qaranka.

Waxa  ku jira  qodobada  wax ka bedelka mid taabanaya  in xilka Raysal wasaaraha meesha laga saaro, lana sameeyo Madaxweyne ku-xigeen iyo Laba Xisbi Qaran.

Hindisahas Xasan Sheekh waxaa  hore  u  diidday Puntland oo intii muddo ahaydba ka maqnayd madalaha masiirka dalka  oo ay ku sugnayeen maamulada  kale  ee dalka.

In waxa laga bedelo Dastuurka  Soomaaliya oo hadda ah mid qaybyo ah ayaa keentay in madax  hore in ay ka qayliyaan isla markaana ku tilmaamay arinaas mid wiiqi karta hanaanka dowladnimada dalka.

Tani ayaa muujineysa in Madaxda DFS ay ka baaqatay gogoshadii Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni sheegey in uu dhigay  magaalada Garoowe oo la filayey in ay isu keento saamileyda siyaasadeed ee Soomaalida oo idil.

Shirkan ayaa u jeedkiisu ahaa  in laga dhameeyo wax kasta oo tabasha ah oo  taagan  isla markaana laga wada qaato go’aan midaysan wax ka bedelka Dastuurka oo  ah mid wax ka bedelaya hanaanka dowladnimada Soomaaliya.

Madaxwaynaha  hadda xafiiska jooga ayaa aad ugu ololaynaya  in   isbedel lagu sameeyo Dastuurka KMG ah iyo in dalka uu  yeesho laba xisbi keliya taas  oo durba keentay kala shaki

Dhawaan Barlamaanka Soomaaliya ayaa cod gacan taaga ah  ugu codeeyay qorshe ku saabsan wax ka bedelka hanaanka loo marayo Dastuurka KMG ah taas oo lagu tilmaamay  mid aan sax ahayn .

Leave a Reply

Your email address will not be published.