Human Rights Watch :  Wax ka bedelka Dastuurka waa halis ee hala joojiyo.

Human Rights Watch :  Wax ka bedelka Dastuurka waa halis ee hala joojiyo.

Nairobi (Nairobi ) –Haweeneyda madaxa ugu ah Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch dhinaca Geeska Afrika Laetitia Bader ayaa sheegtay in qabyo-tirka lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka Kumeel-gaarka ah lagu wiiqay xuquuqda Carruurta gaar ahaan Gabdhaha.

Wax ka bedelka dastuurta ayaa waxaa ka soo horjeestay Madaxweynayaal iyo Ra’isul Wasaarayaal hore, oo ay ka mid yihiin, Maxamed Cabdullahi Faramaajo, Shariif Sheekh Axmed, iyo Xasan Cali Kheyre. Waxaa ka kaloo ka soo horjeestay siyaasiyiin, xildhibaano iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa war qoraal ah oo ay maanta soo saartay Baarlamanka Soomaaliya ku boorisay in aanay u codeyn – sida ay hadalka u dhigtay dastuur wiiqaya xuquuqda Caruurta.

“Baarlamaanka Soomaaliya waa inuu ka hortagaa dadaallada lagu wiiqayo ilaalinta dastuurka ee carruurta, gaar ahaan gabdhaha,” ayay tiri Laetitia Bader, agaasime ku xigeenka Afrika ee Human Rights Watch.

Intii lagu guda jiray xilligii ugu horeysay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xafiiska, Human Rights Watch waxay ogaatay in maamullada Soomaaliya oo dhan ay ula dhaqmeen wiilasha looga shakisan yahay inay ku xiran yihiin kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab sidii qaangaar taasoo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah.

“Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u muuqdaa mid diyaar u ah inuu meel mariyo wax ka beddelka dastuurka dalka kaasoo jiilalka carruurta ah ku qaadi kara dhaqamo waxyeello leh,” ayay tiri Bader. “

Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya waa mid mugdi ku jiro marka la eego gudniinka fircooniga ah. Waxa ay odhanaysaa: “Gudniinka dumarku waa caado arxan darro ah oo bahdil ah waxayna la mid tahay jirdil.

Leave a Reply

Your email address will not be published.