Kismaayo ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan,ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo uu la yeeshay Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland.
Kulankan ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda amniga guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada Jubbaland, iyadoo sidoo kale laga hadlay arrimaha siyaasadda iyo bulshada.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Golaha la wadaagtay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga, iyada oo si gaar ah u faahfaahisay guulaha ay Ciidamada Dowladda Jubbaland ka gaareen howlgalladii amni ee ugu dambeeyay.
Wasaaraddu ayaa sheegtay in shalay ay ciidamada fashiliyeen weerar ay kooxda Al-shabaab ku soo qaadday deegaanka Kudhaa, oo hoostaga Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ciidamada ku burburiyeen dhowr gaari oo ay kooxdaasi adeegsanaysay.
Ugu dambayn, Kulanka ayaa lagu adkeeyey go’aannada lagu xoojinayo amniga, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka, iyo garab istaagga joogtada ah ee ciidamada ku hawlan difaaca nabadgelyada, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka ku nool deegaannada maamulka Jubbaland.

Leave a Reply