Ciidankii Eratria lagu soo tababaray oo hubkii laga – qaaday oo xerada Gordon lagu weeraray.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Weerar xooggan ayaa caawa lagu qaaday ciidankii dhawaan lagu soo tababaray dalka Eratria ee ku sugan xerada Gordon ee magaalada Muqdisho.

Weerar u badnaa bambaanooyin ayaa la xaqiijiyay in ciidankan caawa lagu qaaday , inkastoo aan la sheegin wax khasaare oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Saraakiil ku sugan xerada ayaa sheegay in muddo uu socday weerarkan oo lagu tilmaamay inuu ahaa  mid sahan ahaa oo lagu qaaday ciidankan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in galabta ciidankan laga qaaday dhamaan hubkii ay haysteen , taas oo aan la ogayn waxa keenay in hubka laga xareeyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin weerarka caawa lagu qaaday xerada ay ku jiraan ciidankan laga keenay Eratria ee hubka laga xareeyay.

Ciidanka ayaa awoodi waayay in ay iska caabiyaan kooxda soo weerartay maadama aysan haysan hubkii ay isku difaaci lahayeen ,taas oo keentay in weerarka muddo uu qaato.

Leave a Reply

Your email address will not be published.