Kulanka Golaha shacabka oo kooram la’aan u baaqday.

Muqdisho (Raxanreeb ) Kulanka Golaha Shacabka ayaa maantaa u baaqday Kooram La’aan kadib markii ay Xildhibaanada soo xaadiri waayeen

Wuxuuna ajandaha kulanka maanta ahaa Akhrinta koowaad ee hindise sharciyedka Hey’adda Sirdoonka.

”Xildhibaano Dad iyo Dal ayaa idin sugaayo ma ahan inaad Guryihiina jiifatiin,maasuuliyad waa mid uu Alle idinkugu xisaabtamaayo” sidaas waxaa sheegtay xildhibaan Xil Qaali Shire.

Guddonka Barlamaanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay  in mudanayaashu ay soo xaadiraan, isla markaana ay gutaan waajibka saraan.

Marar badan ayaa  sidan oo kale waxa baaqday kulamada   Golaha shacabka  si ay ugu doodaan qorshayaal muhiim u ah dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.