Mareykanka oo raadsanaya Afhayeenka Al- Shabaab Cali Dheere

Nairobi (Raxanreeb ) Xukuumadda  Washington ayaa sheegtay in abaal marin lacageed ay ku bixin doonto cidii keenta macluumaad ku saabsan Afhayeenka kooxda Al- Shabaab.

Barnaamijka Abaal Marinta Cadaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaacisay in Cali Dheere uu ku lug lahaa qorsheynta weeraro argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

Cali Maxamud Raage oo ku magac Dheer Sheekh Cali Dheere ayaa laga soo bilaabo bishii May ee sannadkii 2009 wuxuu ahaa afhayeenka  kooxd Al-Shabab.

Cali Dheere dhowr jeer oo hore ayaa loo sheegay in la dilay, walow wararkaasi ay been abuur noqdeen.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii February 18-keedii ee sannadkii 2022ka , waxay cunaqabatayn ku soo rogeen sheekh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Alshabab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.