Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ee XFS ?

Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ee XFS  ?

Muqdisho (Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo la-dagaallanka Kooxda Al-shabaab.

Kulanka Golaha oo uu Shir guddoomiyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey labo heshiis oo dowladdu la gashay dalka Muritaaniya, kuwaas oo kala ah Wadatashiyo Siyaasadeed iyo Iskaashiga Barnaamijka Tababbarka Diblumaasiyadda.

Heshiisyadan ayaa la sheegay in mudnaan gaar ah siinayo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ay khusayso, gaar ahaan tababbarrada diblumaasiyiinta iyo wadatashiyada Arrimaha Siyaasadda oo muhiimad gaar ah u leh dalkeenna, waxa ayna sii xoojinayaan xiriirka labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.