Mustafe Cagjar oo sheegay DFS inay ka taageeri doonan la dagaallanka Al-Shabaabd

Jarmalka (Raxanreeb) — Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligaan dhibaatada heysta kaliya ay tahay mid ay ku hayaan Ururka Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka geysta Gobolada dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Maamulka dowlad degaanka Soomaalida uu diyaar u yahay in dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka caawinayaan dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka Soomaaliyeed oo heysta kheyraad kala duwan balse aysan ka faa’iideysan sababo la xiriira dhibaatada ay ku hayaan Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa kusoo aadaya xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu safar ku marayo degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.