NISA ”Waxaan haynaa Al-Shabaab qaraxyo damacsanaa”

Muqdisho (Raxanreeb ) Wakaaladda wararka SONNA ayaa sheegtay in ciidanka Hay’adda Nabad sugida Qaranka ay burburiyeen shabkad Al- Shabaab oo ay sheegtay in ay damacsanayeen in magaalada Muqdisho ay ka gaystaan qaraxyo.

Waxa ay sheegtay SONNA in ciidanka Nabad sugidda Qaranka gacanta ay ku hayaan shaqsiyaadka maleegayay qorshahan la doonayay in lagu qal qal galyo amaanka caasimadda.

”Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabakada Argagixisada ah, Hubkoodii iyo Mooto Bajaaj ay ugu talagaleen inay ku baxsadaan marka ay dhibka gaystaan ” sidaas barta wakaalada wararka SONNA ayaa lagu daabacay.

Saraakiisha Hay’adda nabad sugida ma aysan shaacin tirada rasniga ah ee ay sheegtay in ay ka tirsan yihiin Al- Shabaab ee ay gacanta ku soo dhigeen.

Waa markii labaad ee muddo toddobaad ah oo ciidamada NISA ay gacanta ku dhigaan xubno muhiim u ah kooxda Al-Shabaab.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya weli howlgalada ay fulinayaan ciidanka Dowladda si ay amaanka u sugaan hase ahaatee waxaa maagaalada Muqdisho ka dhacaya falalka amaanka ka hor imaanaya

Leave a Reply

Your email address will not be published.