Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Somaliland ayaa Maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Bocame o katirsan Gobolka Sol, halkaas oo ay in muddo ah ku sugnaayeen Ciidamo katirsan kuwa dowlad goboleedka Puntland.
Ciidamada Somaliland ayaa si nabadgeliyo ah kula wareegay degmada Boocame kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Puntland, waxaana maalmihii la soo dhaafay jiray dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo labada dhinac ah.
Ilo wareedyo dhinaca Amniga ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Somaliland isku ballaariyeen degmada Boocame iyo nawaaxigeeda si ay isaga difaacaan hadii uu weerar kaag yimaado dhinaca Ciidamada Puntland oo ku sugan meel aan ka fogeyn degmada Boocame.
Deegmada Boocame ee gobolka Sool oo ahayd magaalada ugu weyn ee Puntland ay gacanta kaga haysay gobolka Sool ayaa kamid aheyd degmooyinka ay Puntland qorsheyneysay inay ka hirgeliso Barnaamijka doorashooyinka qofka iyo codka ah.
Degmada Boocame oo katirsan Gobolka Sool ayaa Garoowe oo ay degan yihiin Madaxda ugu sareeysa Maamulka Puntland u jirta 75km, iyada oo horay Madaxweynaha Puntland uu u sheegay in guud ahaan degmooyinka Gobolka Sool ay gacanta ku dhigayaan.
Leave a Reply