Beledwayne (Raxanreeb ) –Wararka ka imaanaya magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay iska hor imaad saacado badan qaatay kaas oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida wararka la helayo ay sheegayaan dagaalkan ayaa ah mid u dhaxeeyay ciidan kala taabacsan Guddoomiye Sufurow iyo kuwa kale oo ka amar qaata maamul la sheegay in la yirahdo Hiiraan State.
Labada dhinac oo saacado badan qaatay dagaalkooda ayaa sababay qalqal inay gasho magaalada Beledwayne oo dadka ayaa bilaaba cabsi la xiriirta in waxyeelo ay ka soo gaarto hubka la adeegsanayo.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaan saacadaha badan qaatay ee mararka qaar si goos goos ah u dhacayay waxaa ku geeriyootay ilaa 6 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah.
Ciidamada maamulka la baxay Hiiraan state ayaa haatan wali gacanta ku haya xarumahii maamulka gobolka iyo kan degmada Baledweyne, halka kuwa Hirshabeelle ay ku sugan yihiin Saldhiga degmada Baledweyne.
Dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii ay isaga guureen ciidanka Jabuuti fariisimahii ku laheyeen xarumaha maamulka gobolka iyo kan degmada
Leave a Reply