Maxaas (Raxanreeb ) Howlgalka wajiga labaad ee madaxwaynaha uu sheegay inuu horkacayo waxaa la saadaalinayaa inuu ku dhaw yahay fashil inuu ku yimaado sida qubarada amniga ay sheegayaan.
Madaxaynaha inta uu ku sugnaa Galmudug waxaa jiray khilaaf ka dhashay hoggaaminta ciidanka kaas oo intiisa badan uu dhaxmaray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka.
Banaanka waxaa yaala dayacii ciidankii lagu laalayay deegaanka Cawswayne , kaas oo qayb wayn ka qaatay , tuhunka ku saabsan wada shaqaynta Al- Shabaab iyo masuuliyiin sar sare ee howlgalka hoggaaminaysa.
Madaxwaynaha oo cabsi ka qaba sida daacada aan looga ahayn ujeedkiisa Dhuusmareeb ayaa si deg deg ah ugu baqoolay degmada Maxaas si uu u helo kalsoonidii uu ka waayay Galmudug.
Maxaas waxa uu kula kulmay Guddoomiyihii hore ee Hiiraan Cali Jayte oo laga cayriyay maamulka Hiiraan , waxaana la xusuustaa kaalinta uu ku lahaa bilowga howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Al- Shabaab , sidoo kale madaxwaynaha waxa ay is arkeen beelaha Hiiraan.
Waxa uu uga waramay sida uu u doonayo in iyaga uu ka helo taageero ku saabsan dagaalka dowladiisa ay kula jirto kooxda Al- Shabaab , maadama ay u muuqatay hubaal la’aantii ka jirtay Dhuusmareeb.
Maanta isaga oo shir madaxwaynaha uu kula leeyahay degmada Maxaas beelaha qaar ee Hiiraan iyo saraakiishooda waxa uu ka badbaaday isku day dil waxaana ciidanka ay qarxiyeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Tani waxa ka horeysay digniin loo jeedayay Madaxwayne Xasan oo la xiriirtay inuusan isku aaminin saraakiisha ciidan ee isaga uu moodayo in daacad ay ka yihiin howgalada socda.
Maadama albaabada qaar ay u muuqdaan in madaxwaynaha ay ka soo xirmayaan waxay quburada amniga ay sheegayaan in la joogo waqtigii uu u soo laaban lahaa magaalada Muqdisho oo uu amni ku haystay.
Sidoo kale waxa lagu talinayaa in Madaxwayne Xasan uu la yimaado isbedel uu ku sameeyo saraakiisha ciidanka , isla markaana uu cayriyo Wasiirka Gaashaandhigga oo tuhun badan laga qabo.
Leave a Reply