WARCUSUB : NISA  lagu weeraray magaalada Muqdiso & khasaaraha jira

WARCUSUB : NISA  lagu weeraray magaalada Muqdiso & khasaaraha jira

Muqdisho (Raxanreeb ) askar dhar cad ah oo ka tirsan Hay’adda NISA ayaa maanta lagu weeraray meel u dhaw Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dad ku sugan Isgoyska ayaa RBC u sheegay in ugu yaraan shan askari oo NISA ah dhaawac culus uu gaaray kuwaas oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Weerarka ka dib waxaa goobta soo gaaray oo howlgal ka fuliyay ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaas oo dad badan ka qab qabtay goobta

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa wax war ah ka soo saarin weerarkan ka dhacay maanta isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan faraha kasii baxaya, iyadoo bilowgii todobaadkan qof isa soo miidaamiyay uu dhex galay ciidamo la feylinayay oo ku sugnaa gudaha xerada kuliyada Jaale Siyaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.