Xasan Sheekh oo loo xiray waddooyinka caasimadda

Xasan Sheekh oo loo xiray waddooyinka caasimadda

Muqdisho (Raxanreeb ) Waddooyin muhiima ah oo ka mid ah magaalada Muqdisho maanta oo Axad ah waxaa xiray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Koofiya casta.

Waddooyinka la xiray waxaa ka mid ah KM4  ilaa wadada Afisiyooni halkaas  oo ciidanka ay diideen in la adeegsado dadka iyo gadiidka xili roobab xoogan ay ka da’ayeen caasimadda.

Sababaha loo xiray wadooyinka caasimada ayaa lagu sheegay in ay tahay safar Madaxwaynaha uu  ugu ambabaxayo dalka dibadiisa taasna ay keentay in waddooyinka la xiro.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan la daala dhacayay dhibaatooyin la xiriira waddooyinka oo xiray daadad ka dhashay roob ka da’aya caasimadda.

Waxa ay dalbanayaan dadka in  Dowladda ay la timaado qorshe ku aadan xirnaanshaha waddooyinka iyo burburka oo labaduba caqabad ku ah caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.