Xogta suuqa Bakaaraha & dhacdooyin murugo leh oo soo baxaya.

Xogta suuqa Bakaaraha & dhacdooyin murugo leh oo soo baxaya.

Muqdisho (Raxanreeb ) Warar dheeraad ah oo ku saabsan  khasaaraha ka dhashay weeraradii hoobiyaasha ah ee lagu qaaday suuqa bakaaraha ayaa sooo baxaya waxaana isbitaalada la dhigay tiro badan oo  dad waxyeelo ay soo gaartay.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay haatan marayso 12, halka dhaawacuna yahay 41, sida ay muujinayso xogta dhaawaca iyo dhimashada ee laba isbitaal oo ku yaalla magaalada.

Xogtaas oo ay bixisay , wasaaradda caafimaadka ee dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa muujinaysa in Isbitaalka Medina la geeyey 8 qof oo mayd ah iyo 9 qof oo dhaawac ah.

Badankood dadka waxyeeladu ay gaarta ayaa u badnaa kuwa isku qoys ah oo masiibadu ay ku  haleeshay suuqa Bakaaraha oo xiligaas ahaa mid mashquul ah .

Cabdiraxmaan, waxa uu laba walaalihiis ah ku waayay weerarkaas, oo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux, balse intaas oo kaliya walwalku uguma eka. Wuxuu isbitaalka kula jiraa afar kale oo walaalihiis oo ku dhaawacmay qaraxyada.

“Qoyskeena waxaa nagu dhacday qaddar Alle”, ayuu u sheegay.

Dadka  ku jira isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa ku sugan xaalad aad u liidata sida ay ku warameen ehelada dadka dhaawacyada qaba ee yaala isbitaalada caasimadda.

 “Halkan waxaa ka dhacay waxay ahaayeen beegsi ganacsiga”, ayuu u sheegay warbaahinta gudoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Maxamed Yabooh.

laamaha amniga  Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay qaraxyadaasi ka dambeeyeen maleeshiyaadka ururka al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaan, balse dawladda Soomaaliya waxay ku eedeysay ururka al Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.