Aqalka Cad oo ku baaqay wada – shaqaynta DF & Dowlad goboleedyada.

Washington (Raxanreeb ) Qoraal kasoo baxay AQALKA CAD ayaa lagu sheegay in Maraykanka dhiiri gelinayo hirgelinta dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo in ay wada shaqeeyaan Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyadda Soomaaliya.

Aqal Cad ee Mareynkanka ayaa ku dhiira galiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud , hagaajinta wada – shaqaynta Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada.

Ka dib kulankii xubno ka tirsan Pentagon-ka magaalada Washington ay kula yeesheen Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa qar aqalka cad uu soo saaray ku sheegay sida muhiim ay u tahay wada- shaqaynta Dowladda iyo maamul goboleedyada.

” Wadashaqeynta Dowlada Federaalka iyo Dowlad gobaleedyadda ayaa fure u ah maamul wanaaga, amniga Qaranka iyo u adeegida bulshadda Soomaaliyeed ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Aqalka Cad.

Si Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa shalay booqday Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka Pentagon-ka halkaas oo ay kula kulmeen xubno sare sare oo ay ka hadleen amniga Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.