Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ku “gubatay”  xeebta degmada Hobyo.

Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ku “gubatay”  xeebta degmada Hobyo.

Hobyo ( Raxanreeb ) Doon u rarnayd Ganacsato Galmudug ah kuna soo jeedey Degmada Hobyo ayaa gabi-ahaanba dab qabsaday oo gubatay.

Doonidaan ayaa ka soo shiraacatay magaalada Dubai ee dalka isu- taga imaaraadka carabta kuna socotay magaala Xeebeedka Hobyo.

Sidoo kale doonidan ayaa u rarnayd ganacsato kale oo ka soo jeeda deegaanada kale ee dalka sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada Hobyo.

Cilad ku timid doonidan ayaa la sheegay in ay sabab u tahay gubashada doonidan oo ku sugnayd xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Si kastaba waxaa lagu soo waramayaa in ay socoto dadaalo lagu doonayo in wax lagaga qabto dabka , inkastoo inta badan badeecadaha saarnaa ay gubteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.