Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe ayaa markale ku celiyay sida uu ugu xun yahay in fasax la’aan ay maqnaadaa xubno ka mid ah Barlamaanka Soomaaliya.
Hadal uu maanta ka jeediyay Golaha shacabka ayuu Guddoomiyaha Barlamaanka Golaha shacabka waxa uu ku sheegay in aan sax ahayn in 275 mudane xarunta laga waayo 140 mudane.
Aadan Madoobe ayaa sheegay in si ay u gutaan shaqadooda loogana kaaftoomo kooram la’aanta la billaabayo dabagalka Xildhibaannada si caddaaladda ay ugu sinnaadaan Mudaneyaasha joogtada usoo xaadira iyo kuwa maqan.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa markale ku celiya in talaabo laga qaadi doono xildhibaan kasta oo isaga oo aan la ogayn ka maqnadaan fadhiyada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxa uu amaanay Xildhibaanno uusan shaacin Magacyadooda balse maalin weliba fadhiga xaadira si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran.
Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa marar badan fariin adag u diray xildhibaanada ka maqan fadhiyada Golaha shacabka isaga oo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xildhibaanada ay gudan waayaan waajibkooda.
Tiro Xildhibaanno ah ayaa ka maqan fadhiyada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo guddoonkoodu sheegay in aanay jirin cudur-daar rasmi ah ay ku maqan yihiin.
Leave a Reply