Heshiis muddo dheer socday ka dib ayaa lagu guulaystay qabashada doorashada kursiga 176

Heshiis muddo dheer socday ka dib ayaa lagu guulaystay qabashada doorashada kursiga 176

Baydhabo (Raxanreeb ) Wiil uu dhalay , AUN xildhibaan Boorow ayaa  lagu fariisiyay  maanta kursiga sumadiisu  ay tahay HOP 176  ee deegaan doorashadiisu –na ay tahay koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ka hor kursigan waxa jiray wada – hadalo u socday beesha  iska leh , iyo Madaxwaynaha koonfur Galbeed , kuwaas oo heshiis is afgarad ah ka gaaray murankii muddada dheer ka taagnaa .

Aqoonyahan Dr Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa qayb wayn  ka qaatay , sidii loo sameyn lahaa tanasuul , beesha dhaxdeeda ah isla markaana  laga gaaro Heshiiska dhaxmaray    Odayaasha dhaqanka iyo Madaxwaynaha Koonfur Galbeed.

Waxaa jiray in  Aqoonyahan Maxamed Ibraahim Bilaal uu ku lab- laabtay magaalada Baydhabo si uu u dhameeyo  khilaafka aadka u xooganaa ee ka taagaan kursiga isaga oo ku qanciyay Odayaasha beesha isla leh in seddaxda sanno ee dhiman  la siiyo agoonta uu ka dhintay AUN xildhibaan Boorow , wixii ka danbeeyana la furo  tartanka kursiga .

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa u soo jeediyay Odayaasha dhaqanka in saddaxdan sanno kursiga la siiyo agoonta ,ka dib markii qoorta ay isla galeen Odayaasha  kursiga leh ayaa waxaa markii dambe waxaa soo dhaxgalay Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo arinta xaliyay , halkaasna lagu kala qaatay go’aan  ah in aan dib dambe u soo laaban kursiga in la xiro.

Ugu danbeyn talaabada  Dr Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa keenay in   kursiga  la siiyo wiilka uu dhalay xildhibaanka sidaasna beesha ay ku heshiiso lama muujiyo  tanasuulaad badan  , maadama beesha ay diidanayn in kursiga la siiyo wax ka soo jeeda reerka AUN Boorow.

Madaxwaynaha koonfur Galbeed ayaa beesha iska leh kursiga HOP 176 u saxiixay oo ku heshiiyeen in kursigaas uu noqdo mid furan oo aan la xiran , hadana la qaato xalka Dr Bilaal iyo tanasulka uu sameeyay kaas oo dhamaan ay ku wada qanceen odayaasha dhaqanka iyo Madaxwaynaha koonfur Galbeed Laftagareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.