Maxay tahay Deni hadalka uu ka yiri muddo kororsiga

Garowe (Raxanreeb) — Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay arrinta muddo kororsiga ee lagu eedeynayo isaga iyo saaxibadiisa haatan haya talada maamulkaasi.

Deni ayaa marka hore u jawaabay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo maamulkiisa, wuxuuna sheegay inay cabsi aan jirin ay gelinayaan dadka reer Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka bad badin ay sameynayaan siyaasiyiinta, isaga oo qiil u sameeyay qorshaha muddo kororsiga, wuxuuna sheegay in horay ay Puntland uga dhacday.

“Cabsida dadka la galinayo, waa shaki laga galinayo inay golayaashooda deegaanka doortaan. Waxaa laleeyahay, madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsibuu u socdaa, oo haddaan ku darsi u socdo, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in dhammaan madaxdii ka horreysay isaga ay sameysteen muddo kororsi, taas oo ay haatan shaki kasii muujiyeen mucaaradka.

“Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn,” ayuu mar kale sii raaciyay Saciid Deni.

Hadalkan ayaa uga sii daraya muranka haatan ka taagan doorashooyinka Puntland oo ay walaac xoogan ka muujinayaan ururada siyaasadda oo sheegay inuu mugdi badan ka jiro.

Ururada siyaasadda Puntland ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada Garoowe, waxayna maalmo kahir uga dhowaaqeen Madal ay ku mideysan yihiin.

Siyaasiyiinta qeybta ka ah Madasha looga dhawaaqay Garoowe ayaa waxaay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published.