Shil gaari oo ka dhacay Shiinaha oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Nanchang (Raxanreeb) — 19 qof ayaa dhintay 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo Axadda manta ah ka dhacay gobolka Jiangxi ee bariga Shiinaha, sida ay warbaahinta dalkaasi wariyeen.

Shilkan dhimashada badan sababay ayaa abaaro 1-dii habeennimo ee waqtiga gobolkaasi ka dhacay Nanchang sida ay warbaahinta CCTV oo soo xiganeysa saraakiil maxalli ah ku warrantay.

Warbaahinta maxalliga ah Jimu ee xiriirka la leh warbaahinta dowladda ee Hubei Daily Media ayaa ku warrameysa in shilka uu dhacay ka dib markii baabuur weyn oo xamuul ah uu ku dhacay dad meyd siday.

Gaariga xamuulka ah ayaa si lama filaan ah farriinka u goostay kuna dhacay qeyb ka mid ah dadka meydka galbinayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.