Waqtiga & amniga shirka dib u Heshiisiinta KGS oo laga shiray.

Waqtiga & amniga shirka dib u Heshiisiinta KGS oo laga shiray.

Raxanreeb ( Baydhabo ) Guddiga Farsamada Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka ATMIS iyo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kala hadlay sugidda amniga goobta uu shirka ka furmaayo iyo goobaha ay degi doonaan martida imaan doonto.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay  Guddoomiyaha Guddiga Mudane Yusuf Xasan Isaaq (Yusuf Wadani) iyadoo ay goob joog ahaayeen xubanaha guddiga.

Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka dib u heshiisiinta , kaas oo diirada lagu saarayo hanaanka ay ku qabsoomi karto doorasho la isla ogol yahay.

Guddigan ku sugan magaalada Baydhabo waxaa magacaabay Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Madoobe inkastoo ay dhaliilsan yihiin  xubnaha mucaaradka ah ee diidan xukunka Madaxwayne Laftagareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.