Xerada Xalane oo la weeraray & Xaaladda Xamar sida ay tahay ! .

Xerada Xalane oo la weeraray & Xaaladda  Xamar sida ay tahay ! .

Muqdisho (Raxanreeb ) Tira hoobiyaal ayaa lagu weeraray xerada Xalane ee xeendhaabka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ila amni ah ayaa sheegaya ku dhawaad 5-hoobiye in ay ku dhaceen gudaha xerada halkaas oo saldhig u ah Hay’adaha Qaramada Midoobay , Safaarado & Ciidanka ATMIS.

Dhawaqa hoobiyaashan ayaa ruxay xaafadaha ku dhaw dhaw xerada Xalane iyo nawaaxigeeda sida ay sheegeen dadka cabsida ay ku reebeen ee ku nool xaafadaha Wadajir ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya laamaheeda amniga ma aysan ka hadal weerarkan lagu qaaday , xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo sidan oo kale dhawr jeer oo hore loo weeraray.

Dhanka kale duleedka magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo oo ay xig xigeen weeraro goos goos ah oo dhaxmaray koox la rumaysan yahay in Al- Shabaab ay ka tirsan yihiin iyo ciidanka Dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.