Muqdisho ( Raxanreeb ) Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono cid kasta oo xiriir la leh kooxda Al Shabaab.
Wareysi uu siiyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Telefishanka Al Carabiyah ayuu ku sheegay inuu dhammaadax dulqaadkii kooxda Al Shabaab.
Waxa uu sheegay Xamse in Al Shabaab looga adkaaday meelo badan oo dalka ah isla markaana ay socdaan talaabooyin lagu jabinayo Al Shabaab.
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday in ay jiraan shaqsiyaad xiriir la leh Al Shabaab oo uu ka xusay ganacsato Soomaaliyeed kuwaas oo canshuur siiya kooxda.
“Waxaan cunaqabatayn saari doonaa cid kasta oo lagu helo in gacan saar ay la leedahay kooxda Al Shabaab taas oo jawaab ah ah talaabada ka dhan ah Al Shabaab ” ayuu yiri Ra’iisulwadaare Xamse Cabdi Barre.
Maalmo ka hor Wasiirka ganacsiga ayaa sheegay in ay og yihiin shirkado ganacsi oo xiriir la leh kooxda Al Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay curyaamiso kooxda Al Shabaab , waxa ayna bilowday in ay bar-tilmaameedsato ilaha ka soo gala dhaqaallaha.
Leave a Reply