Rayid ku geeriyooday hoobiyaal lagu garaacay Degmada Afmadow

Rayid ku geeriyooday hoobiyaal lagu garaacay Degmada Afmadow

Afmadow (Raxanreeb ) Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu garaacay hoobiyaal.

Wararka ayaa sheegay in hoobiyaashas lala eegtay saldhig ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Warar RBC uu ka helayo degmada ayaa sheegaya in hoobiyaasha qaar ay ku dhaceen goobo ay ku sugnayeen dad rayid ah.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka la weeraray ayaa waxay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Jubbaland & agagaarkeeda.

Goobjooge ku sugan Afmadow ayaa u sheegay RBC inuu  arkay dhimashada laba qof  iyo dhaawac shan kale kuwaas oo hoobiyaasha uu haleelay guri ay ku noolayeen oo degmada ah.

Ciidamada daraawiishta Jubbaland oo ka jawaabaya weerarkaas ayaa howlgalo ka bilaabay duleedka degmada Afmadow.

Maalmo ka hor sidan oo kale kooxda Al- Shabaab ayaa weerar hoobiyaal ah ku qaaday saldhig ciidanka daraawiishta Jubbaland ay ku lahayeen degmada Afmadow ee Jubbada Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.