Day: August 30, 2026

Home » Archives for August 30, 2026
Puntland: Shaqaalaha Rayidka ah oo 7 Bilood Mushahar La’aan ah
Post

Puntland: Shaqaalaha Rayidka ah oo 7 Bilood Mushahar La’aan ah

Garoowe (Raxanreeb Online): Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland ayaa la sheegay inay muddo toddobo bilood ah wax mushahar ah qaadan, iyadoo xaaladdan lagu tilmaamay muddadii ugu dheereyd ee shaqaalaha Puntland ay xuquuqdooda mushahar la’aan ahaadaan tan iyo 2009-kii. Sida xogta lagu sheegay, sanadkan 2026 shaqaalaha rayidka ah ee Puntland waxay heleen oo keliya laba...

Baanka Adduunka: Soomaaliya oo Hormuud Ka Noqotay Isticmaalka Maalgelinta Bariga iyo Koonfurta Afrika
Post

Baanka Adduunka: Soomaaliya oo Hormuud Ka Noqotay Isticmaalka Maalgelinta Bariga iyo Koonfurta Afrika

Muqdisho (Raxanreeb Online): Baanka Adduunka ayaa lagu soo warramay inuu Soomaaliya ku tilmaamay dal hormuud ka ah dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika, marka la eego heerka ay u isticmaasho ugana faa’iideysato maalgelinta iyo mashaariicda horumarineed. Sida warbixinta lagu sheegay, Soomaaliya ayaa si wanaagsan u adeegsanaysa maalgelinta mashaariicda horumarinta, iyadoo aan la soo sheegin lacago la...

Puntland: “Turkiga Kala Xisaabtan Ayaan Ka Dalbanaynaa Duqaymaha Xeebaha Nugaal”
Post

Puntland: “Turkiga Kala Xisaabtan Ayaan Ka Dalbanaynaa Duqaymaha Xeebaha Nugaal”

Nugaal (Raxanreeb Online): Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay Turkiga kala xisaabtami doonto duqaymo ka dhacay xeebaha Gobolka Nugaal, kuwaas oo maamulka Puntland ku eedeeyay in lagu beegsaday dad kalluumeysato ah. Puntland ayaa sheegtay in duqaymahaasi ay sababeen khasaare nafeed iyo burbur soo gaaray hantida dadka deegaanka, iyadoo dalbatay in si cad loo ogaado cidda fulisay...

DEG-DEG: Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya oo Muqdisho Ka Ambabaxay
Post

DEG-DEG: Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya oo Muqdisho Ka Ambabaxay

Muqdisho (Raxanreeb Online): Safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, Suleymaan Dedefo, ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kaddib muddo ku dhow hal sano oo uu Soomaaliya ka shaqeynayay. Sida lagu sheegay munaasabad sagootin ah oo Safaaradda Itoobiya ay u sameysay, Safiir Dedefo ayaa soo gabagabeeyay muddadii uu xilka hayay, waxaana uu dib ugu laabtay dalkiisa Itoobiya. Safiirka...

DEG-DEG: Xiisad Siyaasadeed oo Ka Taagan Dhuusamareeb
Post

DEG-DEG: Xiisad Siyaasadeed oo Ka Taagan Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Raxanreeb Online): Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo lagu daadiyay agagaarka guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Maxamed Gacal, xilli uu qorsheynayay inuu furo kalfadhiga Golaha. Sida ay tilmaamayaan ilo-wareedyo ku sugan Dhuusamareeb, Guddoomiye Gacal ayaa la sheegay inuu doonayo inuu Golaha horkeeno mooshin ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye...

Nairobi oo Markii 8-aad Ku Guuleysatay Abaalmarinta Africa’s Leading Business Destination
Post

Nairobi oo Markii 8-aad Ku Guuleysatay Abaalmarinta Africa’s Leading Business Destination

Nairobi, Kenya (Raxanreeb Online): Magaalada Nairobi ayaa markii siddeedaad oo xiriir ah ku guuleysatay abaalmarinta Africa’s Leading Business Destination 2026, oo ay bixiso World Travel Awards. Guushan ayaa muujinaysa doorka sii kordhaya ee Nairobi ku leedahay qaaradda Afrika, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, shirarka caalamiga ah, maalgashiga iyo adeegyada ganacsi. Nairobi ayaa muddooyinkii dambe noqotay mid...

DEG-DEG: Ciidamo Cusub oo Gorgor ah oo Baydhabo Laga Dejiyay
Post

DEG-DEG: Ciidamo Cusub oo Gorgor ah oo Baydhabo Laga Dejiyay

Baydhabo (Raxanreeb Online): Ciidamo cusub oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo. Ciidamadan ayaa la sheegay in loo geeyay magaalada si ay u xoojiyaan amniga Baydhabo, xilli magaalada iyo nawaaxigeeda ay ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah. Ilaa hadda lama...

Midowga Afrika oo Luanda Ka Furay Shir Looga Hadlayo Nabadda iyo Amniga Afrika
Post

Midowga Afrika oo Luanda Ka Furay Shir Looga Hadlayo Nabadda iyo Amniga Afrika

Luanda, Angola (Raxanreeb Online): Midowga Afrika ayaa maanta magaalada Luanda ka furay shir gaar ah oo looga hadlayo xoojinta dadaallada lagu xalinaayo khilaafaadka, ka hortagga colaadaha, amniga iyo la-dagaallanka argagixisada qaaradda Afrika. Shirka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, iyadoo Soomaaliya ay qeyb ka tahay wadahadallada ku saabsan...

DEG-DEG: Duulimaadyadii Nairobi–Muqdisho oo Hakad Galay
Post

DEG-DEG: Duulimaadyadii Nairobi–Muqdisho oo Hakad Galay

Nairobi (Raxanreeb Online): Diyaaradihii saakay ka soo bixi lahaa Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee magaalada Nairobi, kuna soo jeeday Muqdisho, ayaa ku xaniban garoonka, kaddib markii ay shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha garoonka. Shaqo-joojinta ayaa saameyn ku yeelatay howlaha garoonka, iyadoo diyaarado iyo rakaab badan ay wajahaan dib-u-dhac. Waxaa lagu soo warramayaa in...

WAR: Haramcad oo Howlgallo Ka Wada Jiinka Wabiga Shabeelle
Post

WAR: Haramcad oo Howlgallo Ka Wada Jiinka Wabiga Shabeelle

Shabeellaha Dhexe (Raxanreeb Online): Ciidanka Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa weli wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda deegaannada Baldooska iyo Alifow, ee ku teedsan jiinka Wabiga Shabeelle. Ciidanka Haramcad ayaa sheegay in dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaannadaasi lagu dilay Madaxii Jabhadda Cabdinaasir Farey...