MOGADISHU — Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Hamza Abdi Barre, has departed for Qatar following an official invitation from the Qatari government. The visit aims to strengthen the longstanding relations and strategic cooperation between Somalia and Qatar, with particular emphasis on economic cooperation, investment and social development. During his stay in Qatar,...
Month: August 2026
UK iyo Soomaaliya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Muqdisho (Raxanreeb Online): Wasiiradda UK u qaabilsan Horumarinta iyo Afrika, Kirsty McNeill, ayaa shalay kulan la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay booqasho ku joogtay magaalada Muqdisho. Kulanka oo ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa looga hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada...
Gaalkacyo: Shir Amni oo Looga Hadlay Khilaafka Beelaha
Gaalkacyo (Raxanreeb Online): Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/sare Maxamuud Muuse Bille Fardafuul, ayaa maanta ka qeyb galay shir amni oo uu shir-guddoominayay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta/Difaaca Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi. Shirka oo lagu qabtay Hoolka Shirarka Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda heer gobol iyo heer degmo...
Ciidanka Booliska Mudug oo Hawlgal Ka Fuliyay Bacaadweyn
Mudug (Raxanreeb Online): Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa hawlgal ka dhan ah xaalufinta deegaanka iyo jarista dhirta ka sameeyay deegaanka Bacaadweyn, gaar ahaan degsiimadda Margaaga. Hawlgalka ayaa yimid kaddib markii la helay dhir la jaray oo dhulka hoostiisa lagu aasay, taasoo la sheegay inay qeyb ka ahayd falal lagu waxyeelleynayo deegaanka. Hawlgalka waxaa iska kaashaday...
DEG-DEG: DFS oo Mushaharka Ka Jartay 300 Askari oo NISA ah
Gedo (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay mushaharka ka jartay ku dhowaad 300 askari oo ka tirsan NISA, kuwaas oo ku kala sugan Beledxaawo, Luuq, Garbahaarey iyo Baardheere ee gobolka Gedo. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku biireen hay’adda NISA xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hadda soo baxaya warar sheegaya...
DEG-DEG: AUSSOM oo Baaritaan Ka Bilowday Baydhabo
Baydhabo (Raxanreeb Online): Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa AUSSOM u gudbisay warqad ku saabsan eedeymo la xiriira ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen iyo xiriirro lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in kaddib markii AUSSOM ay heshay warqadda, ay khubaro baaritaan u dirtay magaalada Baydhabo, kuwaas...
DEG-DEG: Dagaal Beeleedyo ka Dhacay Deegaanno Ku Dhow Lughaye
Lughaye (Raxanreeb Online): Dagaallo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Lughaye ee gobolka Awdal, iyadoo xaaladdu ay dhalisay xiisad amni oo saameysay dadka deegaanka. Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in xiisadda ay saameyn ku yeelatay isku-socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ee deegaannada ku xeeran Lughaye, iyadoo...
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Xasan Sheekh Waa Imtixaan”
Muqdisho (Raxanreeb Online): Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in isaga iyo siyaasiyiin kale ay ka daaleen waxa uu ku tilmaamay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri: “Annaga xitaa waan daalnay, runtii. Waxaan jeclaan lahayn in nalaga soo gabagabeeyo waxaan beenta ah....
DEG-DEG: DFS oo Mushaharka Ciidamo Ku Sugan Puntland Fasaxday
Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la sheegay inay fasaxday mushaharka ciidamada ka diiwaangashan Dowladda Federaalka ee ku sugnaa gudaha Puntland. Sida xogaha la helayo, mushaharka ciidamada ayaa la fasaxay maanta oo ku beegan 25-ka Agoosto 2026, abaare 2:00 duhurnimo. Ciidamadan ayaa horey uga tirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay in qaar...
RW Xamsa oo Qatar U Ambabaxay
Muqdisho (Raxanreeb Online): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Qatar. Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta arrimaha...









